Home Afsomali Madaxtooyada oo shaacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh laga helay Covid-19

Madaxtooyada oo shaacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh laga helay Covid-19

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Ka sokow imaanshaha Madaxweynaha ayaa Afhayeenka Warfaafinta Mafaxtooyada Cabdi Kariin Cali Kaar wuxuu sheegay in in baaritaano lagu sameeyay Madaxweynaha in laga helay Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Madaxtooyada wuxuu sheegay in xaaladda Madaxweynaha ay tahay mid wanaagsan tahay, hayeeshee kaliya lagu arkay calaamadaha Cudurka.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in xubno kale oo katirsan wafdiga Madaxweynaha u raacay dalka Imaaraadka iyana cudurka, balse haatan baaritaan lagu sameeyay kadib laga waayay cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.