Home Afsomali VIDEO Madaxwayne Farmaajo Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Amniga Iyo Caddaaladda

VIDEO Madaxwayne Farmaajo Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Amniga Iyo Caddaaladda

 

Madaxweynaha JFS , Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Tubta amniga iyo Caddaaladda oo looga hadlay dardar-gelinta howlaha iyo halbeegyada hay’adaha iyo wasaarahada ku midaysan tubta ee la xariira sugidda amniga iyo horumarinta caddaaladda dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, wasiirro, taliyaasha ciidanka qalabka sida, hey’adaha amniga gobalka ayaa ka qayb galay kulanka.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay dhammaan hayadaha iyo wasaaraha halbeegyada ku leh tubta in lagula xisaabtamayo fulinta halbeegyadii ay kula heshiiyeen ra’iisul wasaare Khayre in ay ku dhamaystirayaan sannadkaan 2019.

 

Tubta amniga iyo cadaaladda oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ee lagu saleeyay barnaamijka xukuumadda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn waxaa kamid ah dhamaystirka qorshaha kala guurka ee ciidanka Qarnaku ay kula wareegayaan amniga dalka iyo hagaajinta hannaanka caddaaladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.