Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madawaynaha maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe Sunna Sheekh Maxa’ed Shaakir oo casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.
Madaxweyne Shaakir oo saxaafada kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in imaatinkiisa Muqdishu uu ka dambeeyay casuumaada uu ka helay Madaxweyne Farmaajo, uuna maamulkoodu ka qayb gelidoono Caleemasaarka madaxweyne farmaajo.ĺ
Waa markii ugu horeysay oo Madaxwayne Shaakir ka qeybgalo Munaasabad ay qabaneyso Dowlada F. Somalia, waxaana ku wehliya madaxweynaha Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa iyo Saraakiil ciidan
Madaxweyne Shaakir ayaa waxa kale oo uu sheegay in Ahlu Sunna ciidankeeda ku biirin doonaan kuwa qaranka, islamarkaana ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ee looga saarayo guud ahaan Soomaaliya.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0