Home Afsomali Madaxweynaha Dalka Eritrea Isias Afwerki oo si aan caadi aheyn loogu soo...

Madaxweynaha Dalka Eritrea Isias Afwerki oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyey magaalada Adisababa ee dalka Ethopia

Booqashada uu madaxweynaha Dalka Eritrea Isias Afwerki uu ku tagay magaalada Adisababa ee xarunta dalka Ethopia waxay noqotay bog kale oo furmay labadaan wadan ee dariska, 20 sano oo colaad dheer iyo dirir xoogani ay u dhaxaysay labadaan Dal waxay labada shacab u fureen bogag cusub oo soo jiitay indhaha dunida, dagaal ku salaysan dhanka xuduuda labada dal oo kala go,ay qarnigii lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada boqolaal kun oo dad ah, sidoo kalena waxaa cunaqabatyn caalami ah kala kulantay dalka Eretrea, Qaramada midoobay ayaa soo dhawaynsay xiriirka taarikhiga ah ee labada dal u bilaabmay.

Raisal Wasaree Abiy Ahmed oo dhawaan booqday Asmara ayaa madaxweyne Isias Afwerki iyo weftigiisa kusoo dhaweeyay Adisababa, labada hogaamiye ayaa ka shiri doonaa sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo dardargelin lahaa heshiisyada ay dhawaan kala saxiixdeen.

Ethopia iyo Eritrea ayaa waxaa u furmay weji cusub in kabadan 20 sano oo dalalkaa  deriska ah ay u dhaxaysay colaado kala duwan, Madaxda Ethopia ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dhulkii uu muranku ka taagnaa ay uga tanaasuleen Ethopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.