War Deg Deg ah: Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u Magcaabay Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida itoobiya Axmed Cabdi Maxamed.
Madaxweynihii degaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi maxamuud Cumar ayaa saacado ka hor ka degay xilka talada deegaanka, wuxuuna si KMG ah ugu wareejiyay wasiirkiisa Maaliyadda ee degaanka.
Wararka ayaa sheegaya inuu haatan Cabdi ku suganyahay magaalada Adisababa, waxaana jira qodobo la isla gartay wadahalkii maalmahan u socday DF iyo DDSI, waxaana lagu wadaa beri inuu shir balaadhan ka furmo magaalada jigjiga, waxaase la isku hayaa ka qeybgalka shirkaas ee xubnaha ururka ONLf.