Home Afsomali Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay kulanka guud...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Shirka amniga oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirka Amniga Dowladda Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaasha Guutooyinka 4aad iyo 5aad qeybta 27aad ee CXD, Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qeybta 27aad ee CXD, Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, Taliska Qeybta Gobolka, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha ciidamada Amisom iyagoo Madaxweynaha la wadaagay xaaladaha guud ee Amniga Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha Hay’addaha Amniga inay xoojiyaan amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne oo ay ka dhacayaan doorashooyin Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.