Home Afsomali Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Alsayid Maxamed Cabdi Waare ayaa Umaddaha Midoobay kala...

Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Alsayid Maxamed Cabdi Waare ayaa Umaddaha Midoobay kala hadlay Xaalada dadka abaartu ay saameysay, horumarinta Kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada Hirshabelle ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Ku Qaabilay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqasho ku yimid Halkani, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle oo ugu horeyso Abaarta iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen QM horumarinta iyo dib u dhiska Hirshabelle.

Saraakiishani Ka Socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa Hogaaminayay Madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin, Waxaana Madaxweynaha Kulanka Ku Wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle,Wasiir Ku Xigeenka Amniga,Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Ammaanka, iyo La Tiliyeyaal Sare.

Madaxweyne Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha uu qabto xafiiska Qaramada Midoobay ee Hirshabelle Madaxa Xafiiskaasi  Benjamin waxana ay u faah faahiyay howlaha ay ka qabtaan Hirshabelle iyo waxyaabaha horyaala in ay wax ka qabtaan sida Caawimaada dadka abaartu ay saameysay, horumarinta Kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada Hirshabelle, arrimaha Caafimaadka iyo waxbarashada.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha Deg-dega ee soo food saara Bulshada Hirshabelle, waxaana uu ka dalbaday in looga fadhiyo in ay ka jawaabaan Abaarta ka jirta deegaannada Hirshabelle islamarkaana ay caawiyaan dadka ay saameysay abaarta oo ay ugu darantahay Biyo la’aanta..

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina looga baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay u soo gudbin doonto Dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen saraakiishaasi fulinta waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha.

Kulankan ayaa qeyb ka dadaalada Madaxweynaha Hirshabelle uu ku doonayo horumarinta Dowlad goboleedka Hirshabelle, iyadoo mudada uu joogo madaxweynaha la qabtay howla badan oo muhiim u ah Heykalka Dowladnimo ayna bilowdeen Mashaariicyo horumarineed taasi oo ay soo dhoweeyeen Bulshada.

— DHAMAAD–

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.