Home Afsomali Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle oo ku go.doonsan Magaalada Baladweyne

Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle oo ku go.doonsan Magaalada Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa in ka badan mudo isbuuc ah ku sugan Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo magaaladaasi u tagay xalinta khilaaf ka dhax jiray Maamulka gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay magaalada Baladweyne waxa uu isbadal ku sameeyay maamulkii gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne, waxaana xilka laga qaaday Gudoomiyihii Hiiraan isagoo magacaabay gudoomiye cusub..

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweyne Waare oo qorsheenayay in uu mar hore kasoo tago magaalada Baladweyne ayaa waxaa xayiray roobab xoogan oo ka da’ay magaaladaasi , roobka ayaana sababay in in biyo galaan garoonka Diyaaradah uuna xirmo.

Madaxweyne Waare ayaa waayay Diyaarad kasoo qaada magaalada Baladweyne uu ku tago magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle, waxaa sidoo kale adag in safar dhulka ah uu uga soo baxo Baladweyne.

Xili Madaxweyne Waare ku xayiran yahay magaalada Baladweyne ayaa waxaa socda mooshin isaga ka dhan ah laguna doonayo in xilka looga qaado, abaabulka mooshinkan ayaana ka socda Muqdisho iyo Jowhar.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in meel gabo gabo ah u marayo diyaarinta mooshin ay kalsonida kala noqonayaan Madaxweyne Waare ay ku eedeeyeen in uu ku fashilmay hogaaminta Maamulka Hirshabelle.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in uu jiro khilaaf hoose oo u dhaxeeya Madaxweyne maamulka Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, waxaana labada dhinac Xildhibaano kala taageersan wadaan mooshino iska soo horjeeda.

Maamulka Hirshabelle oo ah maamulka ugu da’da yar ayaa mudo ka yar labo sano uu jiro waxa uu yeeshay labo Madaxweyne, waxaana Xildhibaanada maamulkaasi caado u noqotay in bilo gudahood ay mooshino diyaariyaan si ay danahooda ugu gaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.