Home Afsomali Madaxweynaha Galmudug oo shaaciyay in heshiis laga gaaray dhismaha Golaha degaanka Cadaado

Madaxweynaha Galmudug oo shaaciyay in heshiis laga gaaray dhismaha Golaha degaanka Cadaado

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ku sugan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in la bilaabayo dhawaan dhismaha Golaha degaanka Magaalada oo kamid ah Magaalooyinkii ugu horreeyay ee yeesha Golle degaan.

Waxaa uu u mahad celiyay Guddoomiyaha Magaalada Cadaado oo uu sheegay in uu ka tanaasulay in uu markale u tartamo xilka Guddoomiyaha Magaalada, hayeeshee uu ka Shaqeyn doono dhismaha Golaha degaanka Magaalada iyo sidii ay u dhici laheyd doorashada Guddoonka Golaha degaanka Magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in heshiis laga gaaray dhismaha Golaha degaanka Magaalada Cadaado kadib shirar badan oo ay galeen, wuxuuna faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay si deg deg ah ugu dhisto Golle degaan Magaalada Cadaado & dhamaan degmooyinka kale ee Galmudug.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Galmudug waxaa uu xalay ka sheegay munaasabad soo dhaweyn iyo sagootin ah oo xalay loogu sameeyay Magaalada Cadaado, iyada oo la filayo in Maanta uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.