Home Afsomali Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar

MadaxweynahaMaamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu laabtay Caasimada Jowhar kadib safar shaqo oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere kusoo dhoweeyay Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan xubnaha labada gole ee , Maamulka Gobolka, iyo kan degmada, Saraakiisha amniga iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Hit-Shabeelle ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.