Home Afsomali Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay furitaanka...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay furitaanka wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) (DAAWO SAWIRADA)

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay furitaanka wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo ay martigelinayso magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka socota 53 dal oo Afrika ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa waxaa wada guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha Mudane Xi Jinping iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Ramaphosa, iyadoonalagu lafo-gurayo dardar-gelinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga dan-wadaagga ku dhisan ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in ka qayb-galka Soomaaliya ee Madashan uu xoojinayo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyomaalgashiga dalka.

“Soomaaliya waxa ay xoogga saareysaa sidii ay ugu qancin lahay maalgashadeyaasha caalamiga ah in ay maalgashadaan ilaha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalka.”

Hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada ganacsatada ee qaybta ka ah Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa ka baaraan dagaya qorsheyaal lagu kobcinayo maalgashiga, fududeynta isdhaafsiga badeecadaha, xoojinta nabadda iyo xasilloonida dalalka Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa sheegay in Shiinaha ay saddexda sano ee soo socoto ku bixinayaan maalgashiga Afrika lacag gaareysa 60 bilyan oo Doollar.

Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa lasoo gabagabeyn doonaa maalibta berri ah.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 

0001
0003 sax
0005
0006
0008
0009
00011

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.