Home Afsomali Madaxweynaha Jubbaland & Wakiilka Midowga Afrika oo ka wada hadlay la dagaalanka...

Madaxweynaha Jubbaland & Wakiilka Midowga Afrika oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka gaarka ah e Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo booqasho ku tegay magaalada Kismaayo.

Wafdiga Waxaa kamid ahaa qaar kamid ah wakiilada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo howlwadeenada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada Jubaland ayaa lagaga hadlay dardar galinta howlgalada dib u xoraynta ee Jubaland ay ka wado qeybo badan oo kamid ah Jubaland iyo sidii howlgaladaas ay uga qeyb qaadan lahayeen Ciidamada ATMIS ee ku sugan Jubaland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.