Home Afsomali Madaxweynaha Jubuuti oo kulan deg deg ah isugu yeeray Baarlamaanka kadib dilkii...

Madaxweynaha Jubuuti oo kulan deg deg ah isugu yeeray Baarlamaanka kadib dilkii Askarta

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil  Cumar Geelle ayaa dalbaday Fadhi deg deg ah (aan caadi aheyn )oo ay iskugu yimaadaan Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Jabuuti, kaas oo la qorsheeyay in uu dhawaan qabsoomo.

Ajandaha kulanka Xidhibaannada ayaa waxaa uu yahay in ay ansixiyaan Sharciga qabyada ah ee Nidaamka ladagaalanka xagjirka (Xaalad dagaal loo isticmaalo, kaas o u ogolaanaya awood kasta iyo Hub nooc kasta oo lahaysto).

Amarkaan deg deg ah ee kasoo baxay Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil  Cumar Geelle ayaa daba socda kadib markii dhawaan Jabhad hubeysan oo kasoo jeeda Qowmiyada Canfar-ta ay weerar kabilowday gudaha Jabuuti, waxana ilaa hadda la la’ayahay 7 Askari oo ay dagaal kuqabsadeen, iyadoo dawladdu baadigoob kujirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.