Home Afsomali Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wakiilka QM kala hadlay Arrimaha Amniga & Abaaraha

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wakiilka QM kala hadlay Arrimaha Amniga & Abaaraha

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan  Soomaaliya  James Swan.

Wafdiga  James Swan  ayaa waxaa qeyb ka ahaa Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Wakiilka UNHCR , waxaana kulan ay yeesheeen uga wada hadleen arrimo ay kamid yihiin Xoojinta Aminiga, Abaaraha, la dagaalanka waxa loogu yeero Argigixisada iyo Hirgelinta Mashaariic Hormarineed.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan  Soomaaliya James Swan ayaa madaxda Koonfur Galbeed uga tacsiyadeeyay mas’uuliyiintii lagu dilay qaraxyadaii ka dhacay Baydabo & marko, wuxuuna sheegay in ay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeeysa iyo taageerda ay siiyaan.

Dhankiisa Madaxweynaha koonfur Galbeed ayaa uga mahad celiyay taageerada Qaramada midoobay ee Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan mashaariicda Qaramada Midoobay ka fuliso degaannada Koonfur Galbeed.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan  Soomaaliya  James Swan ayaa wada booqasho uu ku tegayo degaannada Dowlad goboleedyada, waxaana uu shalay tegay magaalada Dhuusamareeb, iyada oo la filayo in dhawaan degaannada kale ee dowlad Goboleedyada uu tago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.