Home Afsomali Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in la dilay hoggaamiyihii Daacish

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in la dilay hoggaamiyihii Daacish

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in la dilay hoggaamiyihii Daacish

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in la dilay hoggaamiyihii Daacish Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi ka dib weerar ka dhacay dalka Suuriya.

Sidoo kale weerarka waxaa ku dhintay lix Carruur ah iyo afar dumar ah.

Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi  ayaa ahaa hoggaamiyaha kooxda argagaxisad ah ee Daacish, Saraakiil  Amerikaan ah ayaa laga soo xigtay in wararka qaar sheegayaan in uu isaga is dilay oo isku xirey walxo qarxa.

Daacish ayaa al-Qurayshi u magacaabay hoggaamiyahooda 2019 kolkaas oo la xaqiijiyay geerida Abu Bakr al-Baghdadi oo ahaa hoggaamiyihii kooxdaas.

Howlgalka lagu dilay hoggaamiyaha kooxda Daacish ayaa waxaa fuliyay Ciidanka si gaar ah u tababaran oo Amerikaan ah, dilka wuxuu ka dhacay meel u dhow xuduudda Suuriya iyo Turkiga wadaagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.