Home Afsomali Madaxweynaha Masar oo lagu soo dhaweeyay dalka Hindiya

Madaxweynaha Masar oo lagu soo dhaweeyay dalka Hindiya

Madaxweynaha dalka Masar  C/Fataax Alsisi ayaa  ka degay Caasimadda dalkaasi ee New Delhi, waxaana si diiran u soo dhaweeyey Ra’isul-wasaare Narendra iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda dalkaasi Hindiya.

Madaxweynaha Masar waxa uu noqday Hoggaamiyihii u horeeyey ee dalkaasi u tegay  Munaasabadaha Maalinta Xorriyada ee Jamhuuriyadda Hindiya (India’s Republic Day celebrations) oo isbuucan loo dabaal degi doono.

Wafdiga Madaxweyne Al-sisi oo ay ka mid yihiin 5 wasiir iyo Saraakiil Sarsare waxaa maanta Munaasabad Soo-dhaweyn ah loogu sameeyey Guriga Haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Hindiya, Droupadi Murmu.

Qaabilaadaasi waxaa kale oo  joogay RW Narendra Modi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Ciiddan Masaari ah ka qeyb galeen Salaan Sharafta lagu soo dhaweeyey Madaxweyne C/Fataax Al-Sisi.

” Hindiya iyo Masar waa Labo ugu da’da weyn Ilbaxnimada Caalamka, waxaan leenahay Xiriir Taariikhi ah, iydoo uu xiriirkeena sii xoogeystay dhowrkii sano ee la soo dhaafay” ayuu yiri RW Narendra Modi.

Dhanka kale, Madaxweynaha Masar iyo RW Hindiya waxay yeesheen Kulan looga hadlay Xiriirka labada dal oo ay ku jirto La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, Arrimaha Caalamka iyo kuwa Mandiqada.

Si kastaba ha ahaatee, maanta oo ay Taariikhdu tahay 25-ka January waxay ku beegan tahay 74-guuradii ka soo wareegtay Maalinta Xorriyada ee dalka Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.