Home Afsomali Madaxweynaha oo amar dul dhigay qasnajiga dowlada iyo wasaarada maaliyada

Madaxweynaha oo amar dul dhigay qasnajiga dowlada iyo wasaarada maaliyada

Amarka Madaxweyne farmaajo uu ku xanibayo in la fartafrteesto Qasnada Dowlada iyo dhaqangalkiisa yaa ka masuul ah

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la xanibay Akoonadii Qaar badan oo kamid ah Wasaaradaha Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ku lahaayeen Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in la xanibo Akoonada ay Bangiga dhaxe ku leeyihiin Wasaaradaha Xukuumada qaarkood iyo maamulka gobolka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la xanibay akoono iyana Hay’adaha dowlada qaarkood ku lahaayeen Bangiyo iyo iyo akoono ka furan qaar kamid ah Xawalaadaha Madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Muqisho.

Xanibaadan lagu soo rogay akoonada Wasaaradaha Xukuumada iyo Hay’adaha dowlada ayaa la sheegay in looga gon leeyahay si looga hortago in xatooyo hanti qaran la sameeyo inta lagu guda jiro kala gurka.

Madaxweynje Farmaajo ayey noqoneysaa talaabadii ugu horeesay uu qaaday, waxa ayna arimahan kusoo aadeysa xili Madaxweynaha cusub uu balan qaaday in si xoogan ula dagaalami doono musuq maasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.