Home Afsomali Madaxweynaha oo heshiis Nabadeed dhaxdhigay beelihii Mudada ku dagaalamayey magaalada Marko ...

Madaxweynaha oo heshiis Nabadeed dhaxdhigay beelihii Mudada ku dagaalamayey magaalada Marko ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro qayb ka ahaa colaaddii sokeeye ee ka jirtay magaalada Marka ayaa sheegay in maanta laga bilaabo dhaqan celin loo sameeyo dhallinyaradan, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida ay uga go’an tahay dhallinyaradan in ay qayb ka noqdaan geesiyaasha Soomaaliyeed ee u taagan inay Gobolka Shabeellaha Hoose ka xoreeyaan argagigixisada Alshabaab ee hagardaamada iyo dhibaatada joogtada ah ku haya shacabka Gobolka.

“Dowladdu waxa ay dadaal ku bixinaysaa sidii aad u heli lahaydeen waxbarasho madani ah iyo mid ciidan, si la idiinku diyaariyo mustaqbal wanaagsan oo idiin horseedaya inaad hormuud u noqotaan difaaca iyo horumarka dalkiinna iyo dadkiinna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay dhibaatooyinka ay shacabku ka dhaxleen dagaalladii sokeeye ee dalka soo maaray, gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo sheegay in cadawga keliya ee caqabadda ku ah nolosha iyo horumarka shacabka deegaankan uu yahay nabaddiidka Alshabaab.

“Waan ka wada dharagsannahay dagaalka sokeeye dhibaatooyinka uu inoo gaystay. Waxaa laga dhaxlay dhallinyaro badan oo idinka oo kale oo dalkan wax tar u noqon lahaa in ay maanta god ku jiraan dagaal macno la’aan ahaa sartiis.”

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay waxgaradka Gobolka iyo guud ahaan bulshada in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka miro dhalinta heshiiskan nabadeed ee soo afjaray colaaddii ka jirtay magaalada Marka, una istaagaan sidii mustaqbal ifaya loogu abuuri lahaa faca soo socda.

 

Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka qaranka ku daray maleeshiyadii ku heshiisey magalada Marka-23
Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka qaranka ku daray maleeshiyadii ku heshiisey magalada Marka-7
Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka qaranka ku daray maleeshiyadii ku heshiisey magalada Marka-14
Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka qaranka ku daray maleeshiyadii ku heshiisey magalada Marka-11
Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka qaranka ku daray maleeshiyadii ku heshiisey magalada Marka-10
Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka qaranka ku daray maleeshiyadii ku heshiisey magalada Marka-8
Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka qaranka ku daray maleeshiyadii ku heshiisey magalada Marka-12
Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka qaranka ku daray maleeshiyadii ku heshiisey magalada Marka-27
Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka qaranka ku daray maleeshiyadii ku heshiisey magalada Marka-3
Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka qaranka ku daray maleeshiyadii ku heshiisey magalada Marka-26
Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka qaranka ku daray maleeshiyadii ku heshiisey magalada Marka-28
Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka qaranka ku daray maleeshiyadii ku heshiisey magalada Marka-25

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.