Home Afsomali Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo amar ku bixiyay in  hubka halista  ah...

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo amar ku bixiyay in  hubka halista  ah ee nuclear weapon loo isticmaalo Dagaalka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo amar ku bixiyay in  hubka halista  ah ee nuclear weapon loo isticmaalo Dagaalka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay in cutubyada militariga ee leh awooda hubka nukliyeerka ay kordhiyaan diyaargarowga, sidaas waxaa sheegay TT iyo AP.

Waxa uu arrintan kaga dhawaaqay kulan uu la yeeshay wasiirka difaaca Sergei Shoigu iyo hoggaamiyaha guud ee ciidamada Ruushka.

Arintaan ayaa waxaa sabab u ah in NATO la sheegayo in ay “hadalo gardaro ah” ku tilmaantay Ruushka iyo in reer galbeedku ay cunaqabatayn adag ku soo rogeen dalkaasi.

Magnus Christiansson, oo ah bare sare oo cilmiga ciidamada ka dhiga kulliyadda difaaca qaranka Sweden ayaa sheegay in amarka Putin uu ka dhigan yahay in khatarta nukliyeerka ee ka dhanka ah wadamada reer galbeedka ay kordheen.

– Ujeedada tani waa in reer galbeedka aysan faragelin, si kastaba ha ahaatee, qofna ma garanayo khatarta dagaalka nukliyeerka, ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.