Home Afsomali Madaxweyne saciid dani oo si weyn loogu soo dhaweeyay Qardho

Madaxweyne saciid dani oo si weyn loogu soo dhaweeyay Qardho

 


Madaxweynaha saciid dani oo si weyn loogu soo dhaweeyay Qardho
Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Qardho.

Madaxweynaha oo dadweynaha reer Qardho kula hadlay bannaanka magaalada oo ay uga hortageen, wuxuu uga mahadceliyey sida weyn ee ay u soo dhoweeyeen, isagoo ugu baaqay in ay wadajir uga shaqeeyaan Nabadda, horumarka iyo Dowladdnimada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaanada cusub ee loo doortay Puntland in ay ku metelaan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo Saraakiil Madaxtooyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.