Home Afsomali Madaxweynaha Shiinaha Dadka oo ku baaqay in diinta Islaamka la waafajiyo nidaamka...

Madaxweynaha Shiinaha Dadka oo ku baaqay in diinta Islaamka la waafajiyo nidaamka dalkiisa

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka codsaday saraakiisha inay sare u qaadaan dadaallada ku saabsan mabda’a ah in diinta Islaamka la waafajiyo xagga jiheynta iyo diimaha dalkaas ka jira si ay ula jaan qaadaan bulshada hantiwadaagga ah ee taabacsan xisbiga shuuciga ee ka arrimiyo Shiinaha.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa booqday gobolka ay xiisaddu ka taagan tahay ee Xinjiang halkaas oo ciidamada amniga Shiinaha ay muddo ah ka wadeen howlgallo lagu xakameynayo muslimiinta Uygur.

Shiinaha ayaa la aaminsan yahay inuu xirxiray in ka badan hal milyan oo qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Uyghur iyo Muslimiinta kale ee gobolka Xinjiang, oo ah gobol aad u weyn oo ku yaalla waqooyiga-galbeed ee dalka Shiinaha, hoyna u ah dadka loo yaqaanno Turkic oo qabiillo kala duwan ah.

Dowladda Shiinaha ayaa in muddo ah waxaa lagu dhaliilay inay gobolka muslimiinta ku badan yihiin ka geysatay tacaddiyo bani’aadannimo, oo ay ka mid yihiin in dad lagu khasbay shaqo ,kufsi iyo in ay ka baxaan diinta Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.