Home Afsomali Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay dalka Jabuuti, xilli uu ku sugan yahay...

Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay dalka Jabuuti, xilli uu ku sugan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Arbaco ah safar maalmo kooban qaadan doona ugu baxay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa Safarkiisa ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Ciise Maxamuud Keyd iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi.

Safarkaan uu Maanta dalka Jabuuti ugu ambabaxay Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin dalkaasi Jabuuti.

Warar aan la xaqiijin oo soo baxayay ayaa sheegayay in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ay ku kulmi doonaan dalka Jabuuti, si loo amba qaado wada-hadalladii labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.