Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Sare Oo Ka Socda Koongareeska Maraykanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Koongareeska Maraykanka oo booqasho ku yimi Hargeysa. Madaxweynaha ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray “Sharaf ayay u tahay inuu ku qaabilo wafdiga shaqaalaha Congress-ka Mareykanka xafiiskiisa madaxtooyada.” Waxaanu yidhi “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an inay la shaqeyso dawladaha dimuqraadiga ah sida Maraykanka. Waxaanu si qoto dheer uga wada hadalnay xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka, xasiloonida, horumarka, dimoqraadiyada firfircoon iyo doorashooyinka.”
Weftiga Maraykanka ayaa madaxweynaha iyo shacabka uga mahad-celiyey soo dhawaynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, waxana ay hoosta ka xariiqeen heerka ay Somaliland ka gaadhay dimuqraadiyadda. Weftiga Maraykanku waxa ay ballan qaadeen inay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qaddiyadda qaranimada Somaliland ku wareejin doonaan Congress-ka Maraykanka oo dalkooda jooga. Weftigu waxa ay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta dawladda Somaliland, ururada bulshada, waxbarashada, caafimaadka iyo qaybaha kale ee bulshada. Booqashada wefti heer sare ah oo ka tirsan shaqaalaha Kongareeska Maraykanka ayaa loo arkaa inay tahay isbedel weyn oo ku yimi siyaasadda laba-jibbaaran ee Maraykanka, waxana ay hadda ka go’an tahay inay sii qoto-dheerayso iskaashiga ay la leedahay Somaliland.