Home Afsomali Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal hambalyo ah ka helay Amiirka Dowladda Kuwait iyo...

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal hambalyo ah ka helay Amiirka Dowladda Kuwait iyo kuwo kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa guddoomay dhambaal hambalyo ah oo ka yimid Amiirka Dowladda Kuwait Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Amiirka Dowladda Kuwait ayaa ku yiri dhambaalkiisa “ waxa aan kugu hambalyeynayaa xilka laguu doortay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kuu rajeynaya towfiiq iyo toosnaan”.

Amiirku waxa uu amaanay xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya , isaga oo yididiilo ka muujiyay inuu sare noqdo iskaashiga wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee u adeegaya danaha labada dal.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dhambaal kale oo hambalyo ah ka helay Gudoomiyaha Ururka Kuwait ee Qoyska ku dayashada mudan ahna Gudoomiyaha naadiga hablaha cayaara, danjiraha idman Sheikha Fariha Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo guul, caafimaad qab, baraare iyo horumar u rajeysay Madaxweynaha iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa guddoomay dhambaal hambalyo ah oo ka yimid U adeegaha labada Xaram , Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Boqor Salman ayaa ku yiri dhambaalkiisa “ Aniga oo ku hadlaya Magaca shacabka iyo Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa aan kugu hambalyeynayaa xilka laguu doortay ee ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa aan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysatid howlaha ku horyaala ee soo celinaya deganaanshaha dalka, shacabka aanu walaalaha nahay ee Soomaaliyeed-na horumar iyo barwaaqo”.

Boqor Salman ayaa amaanay xiriirka walaalnimo ee labada dal iyo labada shacab u dhaxeeya , waxaanu sheegay inay hiigsanayaan horumarintiisa iyo xoojintiisa dhinac kasta oo wanaag ah oo ka shaqeynaya wax dan u ah labada dal.

Sidoo kale , Madaxweynuhu waxa uu dhambaallo kale oo hambalyo ah ka kala helay Dhaxal sugaha ahna Kuxigeenka Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Muhammad bin Nayef bin Abdulaziz Al Saud iyo Dhaxalsugaha labaad ahna kuxigeenka labaad ee Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammad bin Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Dawlada Mareykanka oo u tahnideysay madaxweynaha cusub ee somalia mohamed Cabdullahi (farmaajo) |

Afhayeenka aqalka cad ee mareykanka oo shir jaraa’id qabtay ayaa
sheegay in dawlada mareykanku ay u tahnideyneyso shacabka somaliyeed sida guusha
leh ee ay u qabteen doorashadii la dooranayay madaxweynaha somalia waxaa kale oo
uu yidhi in ay u tahnideynayaan madaxweynaha cusub ee somalia MR: Moahamed
abdullahi mohamed (farmaajo) oo ku guuleystay doorashadi madaxweynaha somalia.
waxuuna afhayeenku sheegay in ay madaxweynaha iyo xukuumada cusub ay la shaqeyn
doonaan.

waxaa kale oo aan u mahadnaqeynaa ciidanka soamliyeed iyo ciidanka midowga
afrika dadaalka ay sameeyeen 6 bilood ee oogu danbeysay si ay doorashadu oogu
dhacdo si nabad galyo ah oo guul leh isbedelka ayaa waxuu matalayaa talaabo
horay loo qaaday xaga horumarinta wadanka waxaa kale oo aan u mahadnaqeynaa
xildhibaanadii dooratay madaxweyanaha waxaa kale oo aan ka xunahay wararka
sheegaya in ay jireen musuqmaasuq la xidhiidha doorashada waxaanan ka
codsaneynaa maamulka cusub in ay ka shaqeeyaan doorashada 2020 ee u dhici doonta
hal cod hal ruux in laga ilaaliyo musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta ayuu yidhi
afhayeenka aqalka cad ee mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.