Home Afsomali Madaxweynaha Soomaaliya oo dowlada kenya si diiran nairobi ugu soo dhaweysay (...

Madaxweynaha Soomaaliya oo dowlada kenya si diiran nairobi ugu soo dhaweysay ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Jahuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 3 maalmood.

Madaxweynaha waxaa gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale iyo Wasiirro kale oo ka tirsan dowladda Kenya.

Madaxweynaha ayaa berri oo Khamiis ah la kulmi doona dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxa ayna ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal. Waxaa kale oo dhici doona kulamo ay yeelanayaan ganacsatada labada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka qeyb gali doona Shir-madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo 25-ka bishan ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta qoxootiga.

IMG 1095
IMG 0997
IMG 1072

>DHAMMAAD<-

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.