Home Afsomali Madaxweynaha Soomaaliya oo riyaad kula kulmay Boqorka dalka Sacuudiga kana wada hadlay...

Madaxweynaha Soomaaliya oo riyaad kula kulmay Boqorka dalka Sacuudiga kana wada hadlay arimaha labada dal ( DAAWO SAWIRADA )

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray waddanka Sucuudiga, kaddib markuu caasumaad rasmi ah ka helay boqorka Sucuudiga Boqor Salman Bin Cabdulcaziz Aala Sucuud.

Madaxwayne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyaad ku soo dhaweeyay Amiirka Riyaad Amiir Faysal Bin Bandar Ibnu Cabdicasiis, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Riyaad Daahir Maxamuud Geelle iyo Diplomaasiyiinta Safaarada ka tirsan, waxaana soo dhaweyn kaddib loo galbiyay qasriga Madaxtooyadda Sucuudiga.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa qado loogu sameeyey isaga iyo waftigiisa qasriga Al-yamaama, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyadda Amiir Maxamed Bin Naa’if Binu Cabdicasiis, golayaasha Wasiirada, Baarlamaanka ( Al shuura), Taliyaasha ciidamada ugu sareeya iyo qaar ka mid ah Culimada diinta dalka Sucuudiga.

Madaxwaynaha ayaa kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis iyo dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyada Amiir Maxamed Bin Naa’if iyo qaar ka mida golaha Wasiirada Sacuudiga, waxayna labadan masuul ka wada hadleen, xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, Siyaasada iyo Arimaha Bulshada.
Ugu dambayntii Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu kulamo kale oo gaar gaar ah la qaato Mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dalka Boqortooyada Sacuudiga.

IMG-20170223-WA0092
IMG-20170223-WA0107
IMG-20170223-WA0112
IMG-20170223-WA0111
IMG-20170223-WA0115
IMG-20170223-WA0108
IMG-20170223-WA0098
IMG-20170223-WA0109
IMG-20170223-WA0091
IMG-20170223-WA0090

DHAMMAAD

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.