Home Afsomali Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo qeylo dhaamiyay koronto la,aanta uu ruushku baday

Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo qeylo dhaamiyay koronto la,aanta uu ruushku baday

Ciidamada Ruushka ayaa xoojiyay duqeymaha ay ka fulinayaan qeybo badan oo kamid ah dalka Ukraine, waxaana Ruushka duqeymaha ku bartilmaameedsanayaan ilo muhiim ah dowladda Ukraine.

Duqeymihii ugu dambeeyay ay fuliyeen ciidamada Ruushka ayaa lagu bartilmaameedsaday warshado iyo goobo kale oo muhiim ah oo kuyaalla magaalooyin kala duwan, waxa ayna duqeymaha horseedeen in ay meesha ka baxaan adeegyo badan.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa ku edeeyey Ruushka dambiyo ka dhan ah bini’aadminimada, waxa uuna ku eedeeyay  in ay dhibaateeyeen xoogga korontada Ukraine ayna sabab u noqdeen in qeybo badan oo dalka kamid ah koronto la’aan ka dhacdo .

Zelensky waxaa uu sheegay in ciidamada Ruushku si uu ku talogalay uu u dhibaateynayo magaalooyinka isagoo ku qaadaya weeraro aan kala sooc laheyn, taas uu tilmaamay in ay ka dhasheen dhibaatooyin badan.

Previous articleDagaal khasaaro dhimsho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Gaalkacyo
Next articleMilatariga Kenya oo sheegay in ay dileen 12 dagaalame oo katirsan Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.