Home Afsomali Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Suudaan oo ku heshiiyey in sare loo qaado...

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Suudaan oo ku heshiiyey in sare loo qaado iskaashiga ka dhaxeeyo labada dal ( DAAWO SAWIRADA )

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo si wadajir ah saxaafadda ula hadlay ayaa bogaadiyey wada-xaajoodyada ku aaddan iskaashiga Soomaaliya iyo Suudaan, iyaga oo dhabbaha u xaaray heshiisyo taariikhi ah oo ay wada saxiixdeen labada dowladood.

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhexmara Soomaaliya iyo Suudaan iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in kor loo qaado xiriirka ka dhexeeya wadamada Geeska Afrika.

“ Madaxweyne, muddo labo maalmood ah oo aad nala joogteen aad bay noo farxad galisay. Maanta baahi wayn ayaan u qabnaa in aan garabkeenna ka aragno Soomaaliya oo midaysan, horumarsan oo awood leh, waana naga go’antahay in aan garab idinku siinno.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo shacabka Suudaan sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey kaalinta Suudaan ay ka qaadatay waxbarashada ardayda iyo tayeynta laamaha ammaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa yiri “waxaan ku xaqiijinaaya  Madaxweyne in higsigeenna ku aaddan iskaashiga iyo horumarka uu mira dhal u muuqda, haddii aan Alle kaashanno, kana dhabayno qorsheyaasha aan hiigsaneyno.”

Intaas kaddib, Wasiirada labada dowladood ee wada xaajoodka ka qayb galay waxa ay heshiisyo ku kala saxiixdeen xarumaha Wasaaradaha Dowladda Suudaan. Heshiisyadan ayaa ku saabsan amniga, iskaashiga caalamiga ah, waxbarashada, beeraha, fanka, ciyaaraha, socdaalka iyo duulista hawada. Diblomaasiyiinta ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa iyagana tababarro ku qaadan doona dalka Suudaan.

Fulintan heshiisyadan ayaa waxaa loo xilsaaray guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dowladood kuwaas oo yeelan doona kulamo joogto ah. Waa heshiisyadii ugu ballaarnaa ee ay galaan taniyo markii uu soo bilowday xiriirka labada dawladood.

Dhanke kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa galinkii hore kormeeray warshadda lacagta, gaar ahaan kayd ay ku jirto lacag cusub oo dowladda Suudaan ay u daabacday Soomaaliya oo hawsheedu ay soo bilaabatay 2011kii iyo warshadda Yarmuuk ee soo saarta qalabka ciidamada.

 

105A0384

Safka Golaha Wasiirrada ee Suudaan

105A0389

Wafdiga booqashadan ku wehliya Madaxweyne Farmaajo.

 

3

105A0258

Madaxweynaha oo kormeeraya Warshadda hubka ee Yarmuuk

105A0159

Madaxweynaha iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda dalka Sudan Mudane Majdii Yaasiin

IB0A9977

Booqashada Madaxweynaha ee Warshadda lacagta ee Suudaan

4

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Suudaan oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlaya

1
2

Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.