Home Afsomali Madaxweyne Axmed Baasto oo Magacaabay Gole Wasiiro.

Madaxweyne Axmed Baasto oo Magacaabay Gole Wasiiro.

Axmed Maxamuud Baasto oo dhawaan Xildhibaanada Galmudug qeybta ku sugan Magalada Cadaado ay u doorteen Madaxweynaha Galmudug ayaa Maanta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada.

Wasiirada uu ku dhawaaqay oo ka kooban 11 Wasiir ayaa waxaa ka dhex muuqda wasiiro ugu Caansan deegaanada Galmudug,kuwaas oo dhowr mar xilal soo qabtay.

Magacaabista kadib oo uu Warbaahinta la hadlay ayu sheegay in Magacaabistaan uu wadatashi kala sameeyay Madaxweyne  ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey, Aqoonyanahada iyo Odayaasha Dhaqanka ee Maamulka Galmuudg

Waxa uu sheegay in Xubnahaan Golaha Wasiirada ee uu Maanta Magacaabay ay yihiin qeybta koobad ee Golihiisa wasiirada,isla markaana uu rajeynayo inay waajibaadkooda gudan doonaan.

Wareegto ka soo baxday  Xafiiska Axmed Maxamuud Xasan (Baasto) oo Dhawaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ee ku sugan Cadaado ay u doorteen Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa lagu magacaabay Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada.

Wasiirada la magacaabay ayaa tiradooda waxaa ay gaarayaan 11 Mudane.

Halkan ka Akhr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.