Home Afsomali Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo Golalahiisa Wasiirada Dowlada Galmudug...

Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo Golalahiisa Wasiirada Dowlada Galmudug oo dhameysitran laguwado in uu sacaha soo socdo ku dhawaaqo

Sida aan ku helayno warar lagu kalsoonaan karo  Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waddaa in Saacaddaha soo socda in uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqo Gole Wasiiro oo ay kasoo dhex muuqan doonaan Xubno ka tirsan maamulkii Ahlusunna ee Galmudug raacay.

Xaaf ayaa soo gabagabeeyay Wadatashiyo uu maalmihii lasoo dhaafay la sameynaayay Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ee kasoo jeedda degaanada Galmudug.

Wasiiro horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ay dib usoo laaban doona, sidda Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda.

Waxaa sidoo kale dhanka Ahlusunna ka imaan doona sidda ay Dayniile u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Amniga, Waxbarashadda iyo Caddaaladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.