Home Afsomali Madaxweyne Biden oo Hadiyad ahaan u bixiyey Baaskiil iyo taageerayaasha Boris...

Madaxweyne Biden oo Hadiyad ahaan u bixiyey Baaskiil iyo taageerayaasha Boris Johnson oo dhaleeceeyey

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa hadiyad hadal heyn badan abuurtay siiyay Ra’isul Wasaaraha dalka Britain Boris Johnson oo ay kawada qeyb galayeen shirka  madaxda wadamada ku bahoobay G7.

Joe Biden ayaa Ra’isul Wasaaraha Britain siiyay baaskiil si gaar ah loo nashqadeeyay, waxaana baaskiilkan oo lagu qiimeeyay lacag gaareysa $1,500 oo doolar sameesay shirkada Bilenky oo kutaala dalka Mareykanka.

Baaskiilkan la siiyay Boris Johnson ayaa lagu xardhay midibo kala duwan oo isugu jiro gaduud, caddaan iyo buluuga, waxaana sameenta baaskiilkan si gaar ah loogu xil saaray afar nin oo farsamo yaqaan ah.

Madaxweyne Biden ayaa 23-dii bishii May la xiriiray milkiilaha shirkadda Stephen Bilenky isaga oo kala hadlay naqshadeynta baaskiilka iyo sidii uu usoo saari lahaa koofiyad u eg midibka baaskiilka taas oo u xirto qofka kaxeynaya.

Baraha bulshada dadka Mareykanka iyo Britain ayaana si weyn u hadal haya hadiyad baaskiilka uu Madaxweyne Biden siiyay Boris Jonhson, waxa ayna dadka qaar xuseen in baaskiilka sababta u siiyay tahay in uu Ra’isul Wasaaraha jecel yahay kaxeenta baaskiiilada

Ra’isul Wasaaraha Britain ayaa marar badan la arkay isaga oo kaxeenaya baaskiil, waxaana la sheegay in Johnson aad u xiiseeyo kaxeynta baaskiilada sidaasna Madaxweynaha Mareykanka hadiyada uga dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.