Home Afsomali Madaxweyne Cagjar oo indhihiisa kusoo arkay Musiibadii Jigjiga ka dhacday

Madaxweyne Cagjar oo indhihiisa kusoo arkay Musiibadii Jigjiga ka dhacday

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya , Mudane Mustafe Muxummed Cumar (Cagjar) oo ay weheliyaan masuuliyiin heer fadaraal iyo heer deegaan ayaa saakay tagay suuqii Jigjiga ee xalay dabku baabi’iyay.

Mustafa Cagjar ayaana kormeer ku sameeyay qeybnaha kala duwan ee suuqa Jigjiga ee xalay gubtay, waxa uuna indhihiisa kusoo arkay madaxweynaha khasaaraha badan uu reebay dabka xalay bas beeliyay qeybo badan oo suuqa kamid ah.

Madaxweynaha ayaa la qay bsaday dareenka murugada leh dadka ku hanti waayay suuqa, waxa uuna  sheegay in ka xukuumad ahaan loo muujin doono taageero dhinac walba leh ayna garab is-taagi doonaan walaalhii hantidooda ku waayay gubashada suuqa.

Dabka xalay ka kacay suuqa magaalada Jigjiga ayaa dhaliyay khasaaro badan oo hantiyadeed, mana jiro wax khasaaro nafeed ah oo lasoo wariyay oo dabkaasi ka dhashay, waxaana durba bilowday gurmadyo loo sameenayo dadkii hanti beelay.

https://www.facebook.com/Qolka-Musejisow-157399570949623

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.