Home Afsomali Madaxweyne Cali Guudlaawe ” looma kala hari doono ka xureynta Al-Shabaab Degaanada...

Madaxweyne Cali Guudlaawe ” looma kala hari doono ka xureynta Al-Shabaab Degaanada Hir-Shabeelle”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uu biyo dhaamin ka wado degaannadii dhawaan ay Al-Shabaab ka gubeen dadka rayidka ah guryihii ay deganaayeen kana duugeen Ceelashii Biyaha ee katirsan gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle marna uusan ka hari doonin xoreynta degaannada Hir-Shabeelle inta ay kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi kudaray in siwadajir ah ay u qalab qaadan doonaan in Al-Shabaab laga saaro guud ahaan degaannada Hir-Shabeelle si looga dulqaado dhibaatada ay ku hayaan Shacabka.

Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada dowadda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.