Home Afsomali Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo kulan gaar ah ka yeeshay khilaafkii u...

Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo kulan gaar ah ka yeeshay khilaafkii u dhaxeeyay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Xarunta Madaxtooyada ay xalay kulan gaar ah ku yeesheen Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, kaas oo ay kaga hadleen waxyaabihii keenay khilaafkii dhexmaray.

Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in in labada mas’uul ay kulankooda uu ahaa mid lagu dhammaystiray xallinta khilaafkii u dhexeeyay muddooyinkii dambe ayna ka Shaqeeyeen Isimada iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda degaannada Puntland.

Illo ku dhow dhow kulanka ayaa xaqiijiyay in la dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa, kaas oo salka ku haayay arrimo la xiriira awooda dhinaca Maamulka ah, isla markaana ay ku balameen in la dardar geliyo hawlaha Maamulka oo gaabis xoogan ka jiro.

Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa horay looga dareemay degaannada Puntland, waxaana uu saameyn ku yeeshay howlaha Shaqo ee Hay’adaha kala duwan ee Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.