Home Afsomali Madaxweyne Deni oo Hay’adda Save the Children kala hadlay gurmadka Abaaraha

Madaxweyne Deni oo Hay’adda Save the Children kala hadlay gurmadka Abaaraha

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay madaxa ugu sareeya Hay’adda Save the Children Soomaaliya Maxamuud Maxamed Xasan oo ay weheliyaan masuuliyiinta Hay’adda ee faraca Puntland

Kulanka Madaxweyne Deni iyo madaxa Hay’ada Save the children ayaa looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Hay’adda Badbaadada Caruurtu ka waddo gobolada Puntland iyo sidii loo kordhin lahaa.

War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale looga hadlay sidii Hay’adda Save the Children uga qeyb qaadan laheyd gurmadka Abaaraha iyo xoojinta xiriirka wada-shaqaynta Hay’adda iyo Maamulka  Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhankiisa uga mahad celiyay madaxda Hay’adda Save the Children tageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland, isaga oo sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeeysa.

Puntland ayaa waxaa ay kamid tahay maamulada ay degaannadeea ay kajirto abaarta xoogan, waxana horay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu qeylo-dhaan ug diray hay’adaha Caalamiga ah taas oo ku aadan inay u soo gurmadaan.

Previous articleCiidamada dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay degan katirsan Gobolka Hiiraan
Next articleDhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Shabeellaha hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.