Home Afsomali Madaxweyne Deni oo iclaamiyey dagaal la dhan ah Somaliland

Madaxweyne Deni oo iclaamiyey dagaal la dhan ah Somaliland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xerada ciidanka Xorgoble ee Degmada Qardho tababar ugu soo xiray dufcaddii 2-aad ee dhammaysata tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland.

Ciidankan tababarku u soo xirmay maanta ayaa ka kala yimid dugsiyada Xorgoble, Badhan iyo Xerada 54-aad ee Taliska Ciidanka Daraawiishta. Ciidanka maanta tababarku u xirmay ayaa soo bandhigay xirfado xeeldheer oo ay barteen mudadii uu u socdey tababarku.

Madaxweyne Deni oo la dardaarmay ciidanka maanta tababarku usoo xirmay ayaa sheegay in Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba uu farayo Dowladda ilaalinta sharafta shacabka. Waxa uu xusay in DFS isku koobtay Dhaqaalaha Beesha caalamku ku bixiyo dib u dhiska diidamada Soomaaliya iyo sugidda Amniga.

“Sida Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba farayo Dowladda waajibaadka lagarabo waa ilaalinta sharafta karaamada iyo amniga ummadda ay u shaqaynayso, shaqadaasina waxaa laga rabaa waa ciidamada, sidaasi daraadeedna waxaa Xukuumadda ka go’an in ahmiyadda koowaad, labaad iyo Sadexaadba la siiyo dhismaha ciidamada kor u qaadidda noloshooda, dhammaystirka agabkii ay ku shaqayn lahaayeen, si ay u noqdaan dad waajibkooda gaadha”.

“Waxaa nasiibdaro ah iyadoo aduunka uu uga baxo boqolaal million oo dollar sidii Soomaaliya uga caawin lahaayeen Amniga, iyo dhismaha ciidanka in wixii ay ka mudnaayeen Puntland inaysan ka helin DFS, taas waxaan rajaynayaa in caalamku garto. Masuuliyiinta Dowladda Federaal ka ah hanti ay hayaan loogu dudimaayo, balse waa inaysan caqabad ku noqon waxa beesha caalamka laga helayo, waxaan rajaynayaa in caqligu uu taliyo, duruuf walbaa deegaannada kale waa ka jirtaa, hadana cadawgu meel walba waa joogaa, dhismaha ciidankana meelwalba waa looga baahan yahay, waxaase Alle mahaddiis ah Puntland oo 21 sano jirtey oo masuuliyiintii kala dambeysey ee soomaray ay garteen ahmiyadda ciidamadu leeyihiin”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku amray ciidamada Puntland inay u diyaar garoobaan difaaca dhulxooda iyo xuduudahoodaba, waxa uu Madaxweyne Deni fariin adag u diray Soomaaliland.

“Waxaan rajaynayaa ciidamada Puntland inay u diyaar garoobaan inay sugaan xuduudaha Puntland ee Dastuurku nafarayo. Puntland waa astaanta midnimada Soomaaliyeed, Puntland waa astaanta kala dambaynta iyo xasiloonida, maamul wanaagga iyo dowladnimada, Puntland waxay ku naaloonaysaa in dadkeeda nabad ku noolaadaan, deegaanada kale ee Soomaaliyana ay gacan ka geysato”.

“Waxaan idinkula dardaarmayaa cadaw kasta oo Puntland leedahay ha ahaadeen argagixiso ama kuwa kusoo duulay dhulka Puntland inaad u diyaargarawdaan. Puntland waxaa ka go’an inay cadawgeeda Iska dhicinayso, diyaar u tahay inay nidaamkeeda dastuurka ah ku dhaqanto, soo celiso dhulka ka maqan, cidhibtirto argagixisada, diyaarna u tahay cidkasta oo nabad iyo wadahadal laga helikaro ay la gasho heshiis, haddii ay ka weydona ay awood kusoo ceshanayso, waxaan ugu baaqaynaa Soomaaliland si sharafleh inay dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumarbaan rabnaa, deris wanaag baan rabnaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.