Home Afsomali Madaxweyne Deni oo Maanta Kulan gaar ah la yeelanaya Xildhibaannada, xilli ay...

Madaxweyne Deni oo Maanta Kulan gaar ah la yeelanaya Xildhibaannada, xilli ay wadaan mooshin

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in maanta kulan Albaabada u xiran yihiinn in Xaruntooda Magaalada Garoowe kula yeesho Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in ay Maanta isugu yimaadaan Kulan uu codsaday Madaxweynaha Puntland  kaas oo Saxaafadda ay dibad-joog ka noqon doonto si ay isku xog wareystaan.

Kulankaan ayaa daba socda xilli Maalmihii la soo dhaafay uu jiray guux xoogan oo ku aadan in Xildhibaannada badi ay wadaan mooshin ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne oo ay doonayaan inay kula xisaabtamaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Xildhibaannada qaarkood waxaa ay dhaliilo xoogan u jeedinayeen Golaha Wasiirada Puntland, iyaga oo sheegay in badi Shaqooyinka loo igmaday ay ku fashilmeen.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana goor sii horreeysay ee xalay ahaa Ciidamo farabadan la dhigay waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa Xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.