Home Afsomali Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha & Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha & Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland

Madaxweynaha Dowlad oboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ee Magacaabista ayaa waxaa lagu sheegay  in markii Madaxweynaha uu  arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.
  2. Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.
  3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.