Home Afsomali Madaxweyne DR Maxamed Cabdi Waare oo Ka tacsiyeeyey geeridii Ku timid Ra’iisul...

Madaxweyne DR Maxamed Cabdi Waare oo Ka tacsiyeeyey geeridii Ku timid Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo Shacbiga Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha Naxariistii Janno hasiiyee Ra’iisul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Marxuum Nuur Cadde.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku door weyn ka soo qaatay Dowlad dhisida Soomaaliya, iyo horumarka hadda la heysto oo uu qeyb ka ahaa.

Ugu dambeyntii Madxaweyne Waare Alle uga baryay Marxuum Nuur Cadde inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Eheladiisa, Asxaabtiisa, iyo Shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.