Home Afsomali Madaxweyne Duuliye gaashaanle Muuse Biixi Cabdi xildiid” Dowladeyda aad uma itaal badna...

Madaxweyne Duuliye gaashaanle Muuse Biixi Cabdi xildiid” Dowladeyda aad uma itaal badna waxaana doonayaa in milatariga Imaaraadku ilaaliyaan “

Madaxweynaha Maamulka Somaliland ee W/Galbeed ee Somalia, Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka AP, wuxuuna rajo ka muujiyey Heshiiska ay Dowladda Imaaraadka Carabta Saldhigga Milliteri kaga dhisanayaan Dekedda Berbera ee kaabiga ku haysa Gacanka Baabul-mandab.

Muuse Biixi waxa uu difaacay Heshiiskaasi, isagoo tilmaamay inay doonayaan inay xiriir la yeeshaan Dal saaxiib la ah.

Dowladeyda aad uma itaal badna, wuxuuna Aageenna u baahan yahay in la ilaaliyo” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale, Muuse Biixi waxa uu ka gaabsaday inuu shaaciyo Tirada Ciiddanka Imaaraadka ee ka hawlgeli doona Saldhigga Berbera iyi xilliga la dhamaystiri doono Saldhigaaas.

 

Toddobaadkii la soo dhaafay, DFS waxay ka codsadeen Golaha Ammaanka ee QM inay joojiyaan Tallaabadda ay Dowladda Imaaraadka Carabta saaldhigga Milliteri uga dhisanayaan Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.