Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa u safri doona Turkey 28-ka July, si u wada-hadallo ula yeesho madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa sidaas Khamiistii xaqiijiyey xafiisyada labada hogaamiye.
Netanyahu ayaa la qaabili doonaa maalmo kadib hoggaamiyaha Falastiniyiinta Mahmoud Abbas, oo la filayo 25-ka July, ayey sheegtay madaxtooyada Turkey.
“Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu soo dhoweyn doonaa madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu toddobaad gudihiis,” ayey madaxtooyada ku tiri war-saxaafadeed.
Hogaamiyayaasha ayaa ka wada hadli doona “Xiriirka Turkiga iyo Falastiin iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka Israel iyo Falastiin, iyo sidoo kale arrimo kale oo caalami ah,”, ayay raacisay.