Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaaladda Muqdisho.
Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Soo dhaweynta kadib, waxaa loo galbiyey dhanka Madaxtooyada qaranka oo uu kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxyaabaha wada hadalladii ay yeesheen diiradda lagu saaray waxaa ugu muhiimsanaa sidii loo dardargelin lahaa dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.