Home Afsomali Madaxweyne farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray dalka Djabouti

Madaxweyne farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray dalka Djabouti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Jabuuti,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Safarka madaxweynaha ee dalka Jabuuti ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta soo -jireenka Xiriirka Walaaltinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga iyo wada jirka labada dowladood.

Farmaajo Safarkiisa Jabuuti ayaa ku qotoma khilaaf hoose oo labada dal ka dhax aloolsanaa maal mahii ugu danbeeyay , kadib markii Jabuuti ay ka carootay hadal ka soo baxay madaxweyne Farmaajo ee uu ku dalbanayay in beesha caalamka xayiraada dhanka hubka laga qaado Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti wuxuu kullamo la yeelan doonaa madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Iscmaaciil Cumar Geelle oo ay iska xog wareysan doonaan xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyo khilaafka labada dal ka dhax tolnaa mudooyinkii ugu danbeeyay.

Dowladda Jabuuti ayaa ka carootay hadal kasoo baxay Farmaajo oo taageero ugu muujiyay Eritrea, oo heysta dhul ay leedahay Jabuuti, Jabuutina ciidamadeeda ay ka dagaalamaayaan gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa u kullamo la yeelan doonaa madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Iscmaaciil Cumar Geelle oo ay iska xog wareysan doonaan xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab .

Ciidamada dalka aan walaalaha nahey e Jabuuti ay qeyb ka tahay howlgalka Ciidamada  Nabad-dhalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya hawgalada  lagaga sifeynayo argagixisadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.