Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo safar dibeda ah u ambabaxay

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo safar dibeda ah u ambabaxay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa kaga qayb galayo Addis ababa meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.