Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisii Balaarnaa oo hada gaaray Dagmada Cadaado ee Caasimadda...

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisii Balaarnaa oo hada gaaray Dagmada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan halkaasi kula leh qaar ka mid ah Waxgaradka Magaalada Cadaado oo tabasho ka ah ee maamulka Galmudug.

Madaxweynaha iyo sidoo kale Waxgaradka ayaa lagu waddaa in ay kala saxiixdaan qodobo dhowr ah oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa Magaalada Cadaado.

 Kadib shir Jaraaid ay qabteen ayay ku sheegeen in Magaaladda cadaado ay noqonayso Xarunta Baarlaamaanka Maamulka Galmudug.Sidoo kale Farmaajo iyo Xaaf waxa ay sheegeen in maamulku ku sii shaqeyn doono Cadaado inta laga diyaarinayo Caasimadda Dhuusamareeb.

Goobta looga dhawaaqay arintan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Nabadoonada iyo Waxgaradka Magaaladda Cadaado oo tabasho ka qabay heshiiska Ahlu sunno iyo Galmudug.

Sidoo kale arintaan waxaa fududeeyay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan Abtidoon yare iyo Wasiir Axmed Qoorqoor oo wakiil ka ahaa reer Cadaado.

Odayaasha Magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Heshiiska ay ka wada gaareen maamulka Galmudug iyo sidoo kale Ahlusunna.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u gudbi doona Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, isagoona dhagax dhigi doona dekedda Hobyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.