Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo Billad Sharaf Guddoonsiiyey Xubno ka tirsanaa Guddigii Qaban-qaabada 60-Guurada...

Madaxweyne Farmaajo oo Billad Sharaf Guddoonsiiyey Xubno ka tirsanaa Guddigii Qaban-qaabada 60-Guurada ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweyne farmaajo oo billad sharaf guddoonsiiyey xubno ka tirsanaa guddigii qaban-qaabada 60-guurada

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa casho sharaf ku maamuusay guddigii todobaadka xoriyadda iyo midnimada, hormuudka olalaha isxilqaan iyo maamulka warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa dul istaagay dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo dowladda soomaaliyeed ay ku bixinayaan dowlad dhiska, midnimada iyo soo celinta maqaamka dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in ololaha isxilqaan la sii dardar-geliyo si loo dhammeystiro goobaha haatan uu dhismahoodu socdo, loona bilaabo mashaariic cusub, isaga oo muujiyey in ololaha isxilqaan looga golleeyahay in dadka soomaaliyeed ay dib u dhisantaan xarumaha danta guud, kaabeyaasha dhaqaalaha, soocelinta bilicda dalka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa billad sharaf guddoonsiiyey wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiir khadiijo Maxamed Diiriye iyo sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo ay ku muteysteen kaalintii mugga lahayd ee ay ka qaateen olalaha isxilqaan iyo qaban-qaabada todobaadka xorriyadda iyo midnimada.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya Xasan Cali Khayre, wasiirka caddaaladda Xasan Xuseen xaaji, guddoomiyaha maxkamadda sare garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, wasiirro kale oo ka tirsan xukuumadda, saraakiil ciidan iyo maamulka gobolka banaadir.

MVI 0081 2251
MVI 0081 0672
MVI 0081 3057
5658965
P56A8035
P56A8109
P56A8061
P56A8066
P56A8013
P56A8092
P56A7984
P56A8020
P56A8004
P56A7767
P56A8009
P56A7851
P56A7972
P56A7855
1
P56A7980
2
P56A7871
P56A7801
P56A7806

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.