Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo Casho Sharaf u fidiyey Guddigii qabanqaabada Madasha Tiknaloojiyadda ee...

Madaxweyne Farmaajo oo Casho Sharaf u fidiyey Guddigii qabanqaabada Madasha Tiknaloojiyadda ee Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu fidiyey Guddigii qabanqaabada Madasha Tiknaloojiyadda ee Muqdisho, martidii ka qeyb gashay iyo maalgeliyeyaasha waddaniga ah ee ka qeyb qaatay qabsoomidda Shirweynahan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee sida is-xilqaannimada ah u maalgeliyey qabsoomidda Madasha Tiknaloojiyadda ee Muqdisho, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhiirri geliyo dhallinyarada maskax-shiilka ah ee ku hamminaya in ay la tartamaan dunida casriga ah.

“Maalgelinta aad u sameyseen barnaamijkan macno weyn ayey leedahay, sababtoo ah waxaad ku dhiirri geliseen dhallinyaradeenna hal abuurka iyo curinta, kuwaas oo fure u ah horumarka dalkeenna iyo sidii aan ula tartami lahayn dalalka kale ee caalamka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey dhallinyarada qaban qaabisay iyo hal abuureyaasha Soomaaliyeed ee ka qeyb galay Madashan qorshaha Dowladda ee ku qotoma joogteynta bandhigyada hal-abuurka dhallinyarada, diyaarinta qorsheyaal Qaran oo ku wajahan horumarinta tiknaloojiyadda iyo xarummo cilmi bariseed.

Dhankooda, daneeyeyaasha tiknoloojiyadda, guddiga qaban qaabada, maalgeliyeyaasha iyo hal abuureyaasha Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa la wadaagay miro-dhalka Madasha tiknaloojiyadda ee sanadkan, farriintooda ku aaddan horumarinta dhanka cilmiga iyo dib u kabashada dalka.

105A8086
IB0A8149 2
IB0A8173
IB0A8142
IB0A8101
IB0A8093
IB0A8090
105A8077 2
IB0A8070
105A8075
105A8061 2
IB0A8224 2
IB0A8216
IB0A8183 2
IB0A8196
IB0A8178
Previous articleXubnaha Cusub Ee Komishanka DoorashooyinkaQaranka Somaliland Oo Madaxweynaha Hortiisa Lagu Dhaariyey
Next articleEthiopia waxay soo iibsatay iyada oo aan bad laheyn ilaa sided markab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.