Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle &...

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle & Koonfur-Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo soo gaaray Caasimadda, iyada oo ay ka soo qeyb galeen Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxweynaha iyo masuuliyiintan heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo in wadajir loogu sii amba-qaado dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu Alshabaab ku dhibaateeyaan shacabkeenna.

Dhammaan Madaxda Qaranka ee caawa kulankan yeeshay ayaa isla qiray muhiimadda wadashaqeynta masuuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo ilaalinta danta guudi ay u leedahay xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna Soomaaliyeed ee ku hamminaya dib u soo celinta maqaamkii dalkeennu uu ka lahaa caalamka.

DHAMMAAD

  
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.