Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo furay Shirka Wadatashiga Heer Qaran ee Garowe (...

Madaxweyne Farmaajo oo furay Shirka Wadatashiga Heer Qaran ee Garowe ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Shirka Wadatashiga Heer Qaran oo maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Raiisul Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in wadajir looga arrinsado arrimaha muhiimka u ah horu socodka iyo dowladnimada dalka, isagoona ku bogaadiyey Madaxda sida ay uga go’an tahay ka miro dhalinta himlooyinka shacbka.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta iyo iskaashiga lagu horumarinayo dalka, mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

 

BE2I9729
Saxan2
Previous articleErdogan oo furay masaajidka Tukiga ugu weyn oo Istanbul laga dhisay.
Next articleRa’iisal Wasaarihii dunidu wada ammaantay oo aqal gashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.