Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada Xuska Maalinta Xorriyadda u diray Dowladda iyo Shacabka...

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada Xuska Maalinta Xorriyadda u diray Dowladda iyo Shacabka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 42-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalka Jabuuti u diray shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay doorkii geesiyaasha Soomaaliyeed ay ku lahaayeen halgankii xornimo doonka walaalaheen Jabuuti, isaga oo xusay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal oo ku dhisan walaalnimo, is-taageerid iyo is-garabsiin.

“Waxaan la qaybsaneynaa walaalaheenna reer Jabuuti dabbaaldegga xuska iyo farxadda sannadguurada 42-aad ee xornimadooda. Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabaddan, waxa aanna idiiin rajaynayaa horumar, wadajir iyo sannado badan oo barwaaqo leh”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen xilliyadii adkaa, taas oo muhiim u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta dalkeenna.

“Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti si hagar la’aaneed ayay walaalahooda Soomaaliya uga warqabeen xilliyadii adkaa oo waxa ay muujiyeen hal-adayg iyo geesinnimo aan la illoobi karin, abaal ayaana mar walba uga haynaa hiilkaas walaalnimo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xuska sannad-guurada 42-aad ee xorriyadda u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.